Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
Ma la gaarey xilligii Australia dib u qiimeyn lahayd xidhiidhka Maraykanka?
03/02/2026 Duration: 14minMaxaa keenay inay dad badani su’aal geliyaan isbahaysiga Maraykanka ee soo jirey inta badan taariikhda casriga ah ee Australia?
-
Public transport in Australia: breaking down the basics - Australia Explained: Gaadiidka dadweynaha Australia - sharraxidda waxyaabaha asaasiga ah
03/02/2026 Duration: 14minLike in most countries, public transport in Australia is the cheapest way to get around. It includes trams, buses, trains and ferry services. And each state or territory has its own transport network. However, navigating Australia’s public transport system with ease requires knowing the basics around how it works and what to expect. - Sida dalal badan oo kale, gaadiidka dadweynaha ee Australia waa habka ugu jaban ee lagu safro. Taraamyada, basaska, tareennada iyo doonyaha (ferry) aya ka mid ah gaadiidka dadeynaha ee Australia. Qaybtan barnaamijka taxanaha ah ee Australia Exlplained, waxaad ku baran doontaa macluumaadka aasaasiga ah ee ku saabsan gaadiidka dadweynaha
-
SBS Somali News: Warka Talaado 3 February 2026
03/02/2026 Duration: 04minMacallimiinta iyo maamulayaasha iskuullada ee New South Wales ee ku lug yeesha hadallo naceyb ah, ayaa shaqada laga eryi karaa, sida ku cad xeerar cusub oo lagu soo rogay shaqaalaha dugsiyada. Hoggaamiyaha Mucaaradkuna,, Sussan Ley , waxaysheegtay inay diyaar u tahay in toddobaadkan dib loo mideeyo xisbiga Coalition-ka
-
Kansarka (Cancer) qarsoon ee ku dhaca carruurta
02/02/2026 Duration: 10minKansarka dhiiggu waa kan ugu badan uguna halista badan ee carruurta Australia ku dhaca. Sannadkankan oo keliya ayaa la fiayaa in 350 carruur ah, oo Australian ah laga helo kansarka dhiigga.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Isniin 2 February 2026
02/02/2026 Duration: 04minSahamin la sameeyey ayaa laga ogaaday in xisbiga One Nation oo noqday xisbiga labaad ee ku xiga kan Labour-ka, isla markaan ay hoggaamiyaha xisbigaasi, Pauline Hanson, noqotay hoggaamiyaha xagga taageerada ugu dhibcaha badan iyadoo ka hore martay Ra'iisal-wasaaraha.
-
#102 Getting organised (Med) - Learn English #102: Baro Ingriisi - is abaabul, hore usii qorshee, kama-dambaysta ( deadline)
02/02/2026 Duration: 10minLearn practical English phrases for getting organised and managing daily tasks, including planning ahead, meeting deadlines, and staying on top of responsibilities. - Baro ereyo iyo jumlado Ingiriisi ah oo kaa caawinaya inaad is abaabusho oo aad si habsami leh u maareyso hawlahaaga maalinlaha ah. Waxaad baran doontaa sida loo hadlo marka aad: Wax horay u sii qorsheynayso,, waqtiyada kama dambaysta ah (deadlines) la kulmeyso iwm
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimce 30 January 2026
01/02/2026 Duration: 49minWaa barnaamijkii Jimcaha 30 January 2026 oo dhammays tiran. Warar iyo warbixinnom nacfi leh.
-
Kumannaan doollar oo lagu yeeshay waalidinn khaladka Services Australia (Centrelink) awgii
01/02/2026 Duration: 10minWarbixin ka soo baxday Ombudsman-ka Dowladda Federaalka, ayaa lagu ogaaday in Services Australia (Centrelink) ay muddo lix sannadood ah, si ula-kac ah u jebisay sharciyada lacagta child support-ka la yiraahdo. 16,600 oo qof ay saamaysay iyadoo qaarkood lagu yeeshay illaa $10,000.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 30 January 2026
30/01/2026 Duration: 10minHirar kulayle ah oo aan hore loo arag ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah Australia, iyadoo ay qaybo South Australia ka mid ahina halis ugu jiraan, dab-kaymeedyo laxaad leh. New SouthWales ayaa iyana maalinkii lixaad laga filayaa heer-kul gaaraya 40 degree.
-
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 30 January 2026
30/01/2026 Duration: 09minUrurka midowga Yurub oo deeq lacageed siiyey Soomaaliya. Shir dib-u-heshiisiin ah oo Galmudug ka furmay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka 1-da Febraayo u furmaya dowladda golaha samatabixinta.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 29 January 2026
29/01/2026 Duration: 05minXildhibaanadda xisbiga Dimoqraadiga ee Maraykanka, Ilhan Omar, ayaa sheegtay inay caafimaad qabto ka dib weerar lagu qaaday. Hoggaamiyaha xisbiga Nationalka ee heer faderaalna waxaa lagu haystaa xilka hoggaaminta oo uu xildhibaan kale kula tartami doono.
-
Ciidanka Maraykanka ee ICE oo dilay qof kale iyo cabashooyinka
28/01/2026 Duration: 11minSaacaddu waxay ahayd qiyaastii 9-kii subaxnimo ee waqtiga Minneapolis. Ninka dhintay wuxuu ahaa kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya qabyta gargaarka nafbad-baadinta. Gacanta kuma uu sidan bastoolad ee wuxuu ku sitey telephone.
-
#101 Having a laugh (Med) - Learn English #101 - Baro Ingriisi: Casharka ila-qosol
28/01/2026 Duration: 11minLearn how to talk about things that make you laugh. Practise phrases that help you share stories, react to jokes, and enjoy conversations more. - Baro sida looga hadlo waxyaabaha kaa qosliya. Ku celceli weedho kaa caawinaya inaad wadaagto sheekooyin, ka falceliso kaftanka, isla markaana aad ku raaxaysato wada sheekeysiga.
-
Booliiska oo baaritaano aan ruqsad lahayn la beegsaday bulshooyinka kala dhaqanka duwan
28/01/2026 Duration: 07minSahamin cusub ayaa muujinaysa in bulshooyinka leh, asal-qoomiyado kala duwani, (multi-racial) ay la kulmaan baaritaanno booliis oo aan warqad oggolaansho (warrant) lahayn, in ka badan illaa saddex jeer iyo bar, bulshooyinka deggan meelaha aya dadka caddaanka ahi deggan yihiin.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 28 January 2026
28/01/2026 Duration: 11minRa'iisal-wasaare Anthony Albanese oo soo jeediyey in ninkii walaxda qaraxda ku tuuray debed-baxayaashii Invasion Day sharciga xooggiisa la tuso. Qaybo ka mid ah Australiana waxaa jabay rikoodhadii heer-kulka ee hore u jirey.
-
Ururka SABC oo shir u qabtay ganacsatada Soomaaliyeed ee Victoria
28/01/2026 Duration: 10minUrurka SABC ayaa ganacsatada Victoria u qabtay shir ay sheegeen in ganacsatada lagu baraarujiyo, sidii ay ganacsigooda u horumarin lahaayeen, ha noqoto faham buuxa oo ay ka yeeshaan shuruudaha, sharciyada, xeerarka kale ee u yaalla ganacsiyada iyo iskaashiga.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya 28 January 2026
28/01/2026 Duration: 08minWasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlay guulo uu sheegay inay ka gaareen dagaallada argagixisada. Qaar ka mid ah guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa qaaddacay in laga doodo dhammays-tirka dastuurka.
-
What actually happened on January 26? - Australia Explained: Maxaa dhacay 26 January oo loogu dabbaal-degaa?
27/01/2026 Duration: 13minJanuary 26 is one of the most debated dates in Australia’s history. Often described as the nation’s birthday, the day marks neither the formal founding of the colony nor the creation of the Commonwealth. Instead, it reflects a layered history shaped by colonisation, political decisions, and ongoing First Nations resistance. Understanding what actually happened on January 26 reveals why the date is experienced so differently across the country. - 26-ka Janaayo waa taariikh muran badan ka dhalisay Australia. Dadka qaar waxay u arkaan maalinta qaranka, halka kuwa kalena ay ugu taagan tahay gumeysi iyo xanuun taariikheed. Fahamka wixii dhab ahaan dhacay maalintani, waxay innaga caawinayaa fahmidda sababta ay dadku si kala duwan ugu arkaan.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 27 January 2026
27/01/2026 Duration: 05minHeerkulka ayaa maanta la saadaalaaliyey inuu Melbourne iyo Geelong ka gaari doono 45 degree, iyo Mildura oo laga filayo 49 degree. Baarlamaanka Faransiiska, ayaa taageeray sharci lagu mamnuucayo in carruurta ka yar 15 sano ay isticmaalaan baraha bulshada.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 23 January 2026
23/01/2026 Duration: 08minImaamka masaajidka Lamemba ee magaalada Sydney ayaa loo soo diray waraaq hanjebaad ah oo ay Islamophobia Register Australia (IRA), ku sheegeen mid "aad naxdin u leh". Burburin, dil iyo afduub ayaa ka mid ah hanjebaadaha ku qoranaa. Booliiska iyo hay'adaha ay khusayso ayaa loo dhiibay waraaqda, siday ay sheegeen IRA.