Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
Somalia News: Warka Soomaaliya ee Jimce 23 January 2026
23/01/2026 Duration: 07minWararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya
-
Qorshaha lagula dagaallamayo dhibaatada qaraqanka biyaha ee Australia
22/01/2026 Duration: 11min"Waa lama huraan 100% inaad indhaha ku hayso carruurta. Ha ku mashquulin mobile-gaa. Il-biriqsiyo ayay qaadataa in mawjadda baddu la tagto carruurta" said Eve Wheeler.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 22 January 2026
22/01/2026 Duration: 06minDareewallada New South Wales oo looga digay halista waddooyinka ayaamaha fasaxa 26 Jannaayo, iyadoo lacagta iyo dhibcaha ganaaxaba la kodhiyey. Donald Trump-na wuxuu ka laabtay hanjebaaddii cashuuraha dheeraadka ah ee ugu gooddiey waddamada Yurub, inkasta oo uu weli hungureynayo Greenland.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 21 January 2026
21/01/2026 Duration: 08minAqalka Senate-ka Australian, ayaa ansixiyey sharciga xakamaynta hadallada nacaybka ah iyo ka. dib-u-habaynta sharciyada hubka, waxaase 'Maya' ku codeeyey xisbigiyada National-ka iyo Greens-ka. Israel-na waxay burburisay xaruntii dhexe ee hay'adda qarammada midoobey ee UNRWA ay ku lahayd Qudus.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 21 January 2026
21/01/2026 Duration: 09minMadax-weyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay ciidamo la sheegay inay dowladda federaalka ee Soomaaliya mushahar uga qortay deegaannada Puntland.
-
Duminta dabaqayda dadweynayna Melbourne iyo saameeyntooda dadka deggan
20/01/2026 Duration: 17minDowladda Victoria ayaa ku adkaysanaysa qorshaheeda ah inay dumiso dhammaan 44-ta dabaq (Towers) ee dadweynaha ee Melbourne, inkasta ay diidmooyinka dadweynaha iyo baarlamaankuba soo jeediyeen in la joojiyo duminta.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Talaado 20 January 2026
20/01/2026 Duration: 05minDawladda Federaalka ayaa Baarlamaanka hor keentay sharci ku saabsan dib-u-iibsashada hubka, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu yareeyo in ka badan afar milyan oo qori oo ka diiwaangashan Australia, haddii sharciga la ansixiyo galabta.
-
#100 More or less? Talking about quantities - Baro Ingriisi: #100 Yaraan mise Badnaan? Ka hadlidda 'Tiro' ama 'Mug'
19/01/2026 Duration: 09minLearn how to talk about amounts and quantities in everyday English. - Ku baro af-ingiriisi sahlan sida looga hadlo tirooyin ama 'mug'
-
How to cater for your dietary restrictions - Australia Explained: Cuntooyinka aad ka caaggan tahay iyo talooyin ku saabsan
19/01/2026 Duration: 12minAustralia is known as the allergy capital of the world. Our diverse population also means that we express our religious beliefs, ethics, health and personal choices through the food we eat. We called on some experts to help us navigate all the labelling, certifications and resources that can inform our food choices. - Dalka Australia waxaa dunida looga yaqaannaa “caasimadda xasaasiyadda cuntada - "food allergy capital of the world”. Xalqaddan Australia Explained, khubaro ayaa talooyin kugula wadaagaya, ku saabsan, sidii aad u fahmi lahayd, calaamadaha iyo macluumaadka kale ee ku daabacan ama ku sawiran baakadaha cuntada, iyo macluumaad kaleba.
-
SBS News Somali : Warka SBS ee Isniin 19 January 2026
19/01/2026 Duration: 05minXildhibaannada baarlamaanka federaalka Australia ayaa taageeray mooshin tacsi ah oo lagu sharfayo dadkii ku dhintay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi, kaas oo dhacay in ka badan bil ka hor.
-
SBS Somali Program Full - Jimce 16 January 2026
19/01/2026 Duration: 48minBarnaamijkii SBS Somali ee Jimce 16 January 2026 oo dhammays tiran.
-
Bangiyada oo ka digaya khayaamooyinka cusub ee AI deepfake.
16/01/2026 Duration: 15minQoysaska ka walwalsan khiyaamooyinka ku saabsan deepfake-ga codka — sida qof iska dhigaya ilmahaaga ama qof kale oo qoyskaaga ah, oo lacag degdeg ah ku weydiisanaya — Mr Roberts wuxuu kula talinayaa, tallaabo sahlan oo ay ku badbaadi karaan. Waa inay samaystaan is-af-garasho ama password ay qoyska oo keliyihi isla og yihiin.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 16 January 2026
16/01/2026 Duration: 10minMawlac diimeed oo Sydney ku yaalla oo horey amar loogu bixiyey in la xiro, ayuu golaha deegaanka ee Bankstown Canterbury sheegeen inay ka dhego-adaygeen.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 16 January 2026
16/01/2026 Duration: 07minWararkii ugu dambeeyey ee Laascaanood iyo Abdillahi Sheekh-doon oo laga waraystay isagoo jooga Laascaanood.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 15 January 2026
15/01/2026 Duration: 05minWalxo qarxa oo laga helay xaafad ku taalla Camberra iyo kooxaha diimaha oo walaac ka muujiyey sharciga cusub ee lagu xakamaynayo hadallada nacaybka. Maraykan-kuna waxuu fiisayaasha ka joojiyey soo-galootida kasoo jeedda 75 dal.
-
Macdanta muhiimka ah dhaqaalaha iyo amniga Australia
14/01/2026 Duration: 08minDowladda Australia ayaa ku dhawaaqday inay mudnaan siin doonto, macdano muhiim u ah kaydka istaraatiijiga ah ee dalka, oo qiimahoodu dhanyahay 1.2 bilyan oo doollar.
-
Geedaha Australia oo looga baqayo dabar-go'
14/01/2026 Duration: 07minCilmi-baaris cusub ayaa lagu ogaatay in xawliga ay geedaha cusubee Australia ku korayaan uu ka hooseeyo, xowliga ay geedaha da’da weyni ku dhimanayaan, taasoo abuurtay walaac ah inay geeduhu dabar go'aan.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 14 January 2026
14/01/2026 Duration: 10minDambiyada cusub ee la xiriira hadallada naceybka ah iyo af-lgaadooyinka halista ahba, laguma dabbaqi doono, qofka soo xiganaya ama ka hadlaya qoraallada diinta, haddii ujeeddadu tahay waxbarid diimeed ama dood diini ah.
-
Somalia News: warkii Soomaaliya 14 January 2026
14/01/2026 Duration: 10minMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay sababihii ay dowladdiisu cilaaqaadka ugu goysey dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
-
Dab-kaymeedyo ba’an oo wax-yeelleeyey bulshooyin badan oo reer Victoria ah
14/01/2026 Duration: 10minAqalkiisii oo ku yaalla tuulada Longwood East, wuu ka badbaaday dabkii laakiin bakhaarkiisii , iyo qalabyadiisii shaqooyinka gacantase, dabkii baa leefay. Waxaa ruxruxay cabsi dhimasho, wuxuuna garawsaday inay la gudbooneyd, inuu goor horeba ka qaxo guriga.