Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
22/11/2022 Duration: 04minWaaliddiinta carruurta guriga ku haysta oo isticmalaya fasaxa lacagta lagu qaato ee loo yaqaan " Vård av barn" loona soo gaabiyo VAB ayaa aad u batay. Daawooyinka lagu tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda lagu heli karaa warqad dhakhtar qoray, sda uu qoray wargeysaka Dagens Medicin. Maanta ayaa xisbiyada Centerpartiet iyo vänsterpartiet soo bandhigeen hindisahooda misaaniyaddooda baddiilka ah, taas oo baddiil u noqon karta misaaniyadii xukumaddu soo bandhigtay labo todobaad ka hor.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/11/2022 Duration: 03minKoobka Adduunka ee ragga ayaa hadda si habsami leh uga socda dalka Qatar, balse xiisaha loo qabo in lagu soo bandhigo ciyaaraha maqaayadaha iyo baararka Sweden ayaa weli hooseeya. Nin da'diisu tahay kow iyo labaatan jir ayaa waxaa lagu xukumay xabsi 16 sano ah ka dib marii uu hooyadiis qudha ka jaray. Sida ka muuqta xukunka ninkaan ayaa hooyadiis mindi uu la dhacay ugeeriyootey bishii april ee sannadkaan. Iyo warar kale.
-
Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden
18/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib kulayl dayreedkii aadka u sareeyay ayaa iminka waxaa dhammaan waddankoo dhan, koonfurta Sweden ilaa waqooyigeeda ka bilaabanaya soo di'itaankii barafka barafka.Gabar da'deedu 15 jir tahay oo lagu tuhunsanaa in ay dishay walaalkeed ka yar, ayaa maanta maxkamadi dacwad ku soo oogtay. Gabadhaan ayaa bartamihii bishii juulaay weerar ku qaadday walaalkeed ka yar oo ay ku wada sugnayeen guri ku yaal xaafadda Vällingby ee magaalada Stockholm.Dhuumaha gaaska ee Nord Stream ayaa waxaa loo geystay kharibaad weyn dabayaaqadii bishii september ee tagtey.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
17/11/2022 Duration: 03minXukuumadda Sweden iyo xisbiga heshiisku kala dhexeeyo ee Sverigedemokraterna ayaa doonaya in la baaro suurtagalnimada in dadka haysta sharciga degenaanshaha abaddiyada, laga dhigi karo ku meel gaar. Shan qof ayaa la qabtay ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacago iyo waxyaabaha qaaliga ah, sida faraanti, silsilad iwm, ay ka dhaceen dad waayeel ah. Heshiiskii Tidöavtalet oo ay wadda galaeen xukuumadda iyo Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa xaddidaya guud ahaan arinka soogalootiga dalka Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
16/11/2022 Duration: 03minNin da'diisu ay soddomaadka tahay ayey maxakamadi ku xukuntay ka dib markii uu iskuul faraxumayn jinsi ugu geystay carruur iskuulkaas dhiganaysey. Booliiska ayaa ka digaya lacago faalso ah oo suuqa soo galay, iyagoo dadka ku boorrinaya in ay iska hubiyaan lacagaha ay qaadanayaan khaasatan shanta boqol ee xaashiida ah. Robot ku dhacay Polen, xuduuddka Yukrayn. Ulf Kristersson ayaa sheegay in ay isaga la tahay in aan lagu degdegin go'aan inta laga helayo xog ka badan waxa iminkala og nahay.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
15/11/2022 Duration: 03minMaanta oo talaada ah ayaa maxkamadda Gotland waxaa ka dhacay maxkamadayntii ugu dembaysay ee lagu qaadayey Theodor Engström oo ku eedaysan dembi argagaxisanimo ah. Laga bilaabo maanta oo ay tahay talaado, tariikhduna tahay 15 november ayaa tirada dadka adduunka ku nooli waxa ay gaareen siddeed bilyan oo qof. Sida ku cad misaaniiyada xukumadda ee 2023, ayaawaxaa korloo qaadi doonaa lacagaha dulsaarka deeynta ardayda qaatan oo loo yaqaan CSN.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/11/2022 Duration: 03minWasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billström ayaa sheegay in Sweden ay garab taagan tahay waddanka Turkiga, ka dib qaraxii argagaxisada ahaa ee lala beegsaday waddankaas axaddii shalay. Maanta waa maalintii ugu dembaysay oo ay tahay in la bixiyo canshuurta baaqiga ah qofkii lagu leeyahay. Ciddi aan bixin canshuurta haraaga ah ee ku waajibtay. Heerkulka oo gaaray heerkii u sarreeyay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/11/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan soo jeedinta dowladda ee xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka.Sida uu qoray SVTWixii ka dambeeyay dooddii toddobaadkan ee la xiriirtay suurtagalka in dalkan lagu meeleeyn karo hubka halista ah ee Nukliyeerka marka dalkani uu xubin ka noqdo ururka gaashaanbuurta Nato ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen.Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10/11/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxaabbiista Daacish (IS) oo xaladdoodu mugdi gashay, ka dib go'aankii iska fogaynta ahaa ee ay xukuumadda Sweden ka qaadatay ururrada Kurdidyiinta YPG iyo PYD. Ururradaan ayaa dalbaday in ay Sweden dhakhso u qaadato muwaaddiniinteeda maxaabbiista ah.Dawladdu waxay meesha ka saartay gunnada cimilada ee baabuurta, tusaale ahaan taageerada dhaqaale ee ay dadku ku iibsan karaan baabuur koronto oo cusub. Ku dhawaaqista ayaa timid hal maalin ka hor inta aysan dhamaanin waqtigii gunnadan. Iyo warar kale oo xiiso leh
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta, ayaa loo fariistey dhegeysi dacwad dil ah oo loo haysto eedeysane Theodor Engström. Waxaa dhegeysiga dacwadda sidoo kale soo xaadirtay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie lööf'Shirkadda taareenadda ee SJ ayaa wajahaysa dhibaatooyin soo foodsaaray boggeeda internetka. Dawladda Kulankiihoggaamiyeyaasha Iswiidhen iyo Turkiga ee shaleyto.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shalay ayaa waxaa timid qaylo dhaan ku saabsan kiimikooyinka ku jira biyaha la cabbo ee xaafadda Unnaryd ee Småland. Biyaha dhalada ku jira ee la'iibiyo ayaa hadda ka dhammaanaya dukaamada nawaaxiga.Labadii haween ee ku jirey ruumaanka ayaa lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen faldembiyeed dilkii gabar 21 jir ahayd iyo rabshadeeyn meeyd ee ka dhacay degmada Vetlanda, sida uu sheegay xeerilaaliye Adam Rullman oo u warrammay wargeeyska Vetlanda Posten. Iyo warar kale
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/11/2022 Duration: 03minShirkii cimilada caalamka oo ka furmay maanta dalka Masar iyo Ulf Kristersson oo ka hadlay. Tuhunkii faldembiyeedka ee looga shakisnaa laba haweeney kadib markii la heley meeydka garbar la la'aa degmada Vetlanda oo kor u kacay, inkastoo haeenkaasi iska dheereeyeen tuhunkaa. Saddex musharrax ayaa isu soo taagay hoggaanka xisbiga Centerpartet marka ay xilkaasi ka degto Annie Lööf.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
03/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gorgortanka heshiiska mushaarka iyo shuruudaha shaqada ee dhex marayey ururrada shaqaalaha iyo midka shaqa bixiyeyaasha, ee ku saabsan mushaar kordhinta shaqaalaha mushaarka hoose qaata, ayaa noqon doona mid aad u kadeedan.Xukuumadda Iswiidhen ka talisa ayaa hoos u dhigi doonta sannadka foodda innagu soo haya qaxootiga uu dalkani ka soo qaato dalka dibaddiisa.Qayladhaan ka soo yeertay ururka kubadda kolayga ee galbeedka Sweden, iyada oo dhawr todobaad kaliya kasoo wareegatay furitaanka cayaaraha sanadlaha ee caruurta iyo dhallinyarada.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
02/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.
-
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
01/11/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/10/2022 Duration: 03minUrurka daladda shaqaalaha warshadaha oo shuruudeeyey mushaarkordhin 4,4% sannadka 2023. Xaaladda dhaqaale ee dalka oo hoos u dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya sida ay shir jaraa'id ku sheegtay Elisabet Svantesson (M), wasiirka dhaalaha Iswiidhen. Mas toddobaad la raadinayey oo dib loo heley.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 16 ka ahaa ee lagu dilay fiidnimadii salaasadii ina dhaaftey degmadda Sandviken ayaa laanta SVT ay wareysatey Jesper Raitamaa oo ahaa ninkii ugu horeyey oo helay dhaawac wiilkan.Carwadda xayawaannada ee Skansen waxa ay sheegtay in ay heshay maskii la waayey , boqorkii cobra ahaa oo ka soo baxsaday goobtiisii sabtidii hore iyo Warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Shiinaha ayaa laga war helay in ay magaalada Stockholm ku leedahahay xarun isku-dubbarid oo lagula socon karo dadka shiinees ee dibad jooga ah. Sida ay qortey wakaaladda wararka Iswiidhen ee TTLaba albaab oo ka mid ah daaraha ku yaala koonfurta magaalada Eskilstuna ayaa xabbado lala beegsaday, sida ciidanka ammaanku ku qoray shaashaddaa boggiisa. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/10/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo Arbaco ah ayaa la qabtay dooddii ugu horreysay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlmaaniga ah ka dib doorashadii guud. Doodan ayaa ku saabsanayd arrimo badan oo la xiriira doorarka cusub ee xisbiyada dalka.Waddo baaskiilladu maraan ee ku taala degmada Sandviken ayaa Wiil 16 jir oo la toogtay laga heley fiidnimadii salaasadii shalay. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/10/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaan sannadkan sidoo kale lagu casumin xafladda bixinta billadaha nobeelka oo 10-ka bisha diseembar ka dhici doonta magaalada Istockholm.Wasiirka difaaca cusub ee Iswiidhen Pål Jonson ayaa aaminsan in dowlada cusub ay heysato fursad wanaagsan oo ay ku hirgelin karto codsiga Iswiidhen ee ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO marka loo eego fursaddii dowladdii hore iyo gawaari labaatameeyo gaareeysa dab lagu abadsiiyey magaalada Malmö.